- Ung i Stockholm
- Other languages
- Soomaali
- “Kollo” – kaamka ama xerada xilliga xagaaga ee carruurta iyo dhallinyarada
“Kollo” – kaamka ama xerada xilliga xagaaga ee carruurta iyo dhallinyarada
Xarunta kaamka xagaaga ee Kollo, carruurta iyo dhallinyaradu waxay fursad u heleyaan inay u baxaan dabeecadda ama bey’adda, ciyaaraan oo ay saaxiibo cusub ka samaystaan guud ahaan Stockholm.
Waxay joogayaan oo ku nagaanayaan meelaha kaamamka ah ee xilliga xagaaga ama doonyaha korkooda, iyadoo ay la joogayaan dad waaweyn oo u tababaran oo hubinaya in carruurtu waqti fiican helaan oo ay u sameeyaan hawlo madadaalo leh. Kollo waa dhaqan ka jiray magaalada Stockholm in ka badan boqol sano.
Dhammaan carruurta ku nool ee ka diiwaangashan magaalada Stockholm, kana dhigta iskuulka ee fasallada 1–9, waxay codsan karaan inay Kollo aadaan. Waxaa jira xarumo ama kaamam badan oo Kollo ah oo kala dooran karo. Kaam kasta waxaa ka jira fursado ah in lagu dabaalan karo, dalxiis ayey ku baxayaan, ciyaaro isboorti ah ayey ciyaarayaan iyo madadaalo. Xarumaha Kollo qaarkood waxay leeyihiin mowduucyo gaar u ah sida riwaayadaha, filim sameynta, doomaha la fuulayo ama xayawaanka. Kaam kasta oo ilmahaagu tago ama ka qaybqaato, waxaa jooga dad hageyaal ah oo waayo-aragnimo u leh kuwaas oo abuuri doona jawi ammaan ah oo xiiso u leh carruurta oo dhan.
Ka caawi inuu ilmahaagu doorto xero xlliga xagaaga ah
Si ilmahaagu uu si fiican uu ugu joogo xerooyinka xagaaga, waxaa muhiim ah inaad ka caawiso inuu doorto xero Kollo ah. Waalid ama masuul ahaan, adiga ayaa ilmahaaga si fiican u yaqaana, adiga ayaana og waxa uu jecel yahay ama ay jeceshahay iyo waxa uu u baahan yahay. Inta aanad xero dooran ka hor, waxaa wanaagsan inaad ka fikirto da'da ku habboon ilmahaaga, inuu ilmahaagu ku faraxsan yahay carruur badan ama carruur yar, iyo inta uu ilmahaagu awoodi karo inuu ka maqnaado guriga.
Waxaad ka akhrisan kartaa xerooyinka xagaaga buugga katalooga ee Kollo (oo ku qoran luqadda iswiidhishka) iyo bogga Raadso xero kaam ah (Raadso kollo).
Raadso xerada xilliga xagaaga (luqadda iswiidhishka)
Codsiyada xerada xilliga xagaaga ee Kollo
Codsiyada xerada xagaaga ee Kollo waxaa la soo gudbin karaa xilliga gu'ga. Waxaa jira dhowr siyaabood oo lagu codsan karo; kan ugu fudud waa in la isticmaalo adeeggayaga elektaroonigga ah. Si aad u codsato adeegga elektaroonigga ah, waa inaad noqotaa qofka waalidka ah ama mas'uulka ah oo aad haysataa aqoonsi elektaroonig ah. Haddii aanad awoodin inaad isticmaasho adeegga elektaroonigga ah, waxaa jira foomka codsiga oo ku qoran luqadda iswiidhishka iyo ingiriiska oo aad buuxin karto, daabacan karto oo aad u diri karto xarunta xiriirka. Xafiiska la-talinta muwaadiniinta (Medborgarkontor) ayaa sidoo kale kaa caawin kara buuxinta codsiga foomka.